Hagaha Isticmaalaha
Sida loo isticmaalo SOMCV — tallaabo tallaabo
Hagahani wuxuu kuu sharxayaa sida loo sameeyo CV iyo warqad codsi (cover letter) — laga bilaabo furitaanka bogga ilaa soo dejinta PDF-ka.
Cashar muuqaal ah
Daawo sida loo isticmaalo SOMCV — tallaabo tallaabo
Muuqaalkan oo soconaya 8 daqiiqo iyo 12 ilbiriqsi wuxuu ku tusayaa sida loo sameeyo CV iyo warqad codsi, laga bilaabo su'aasha koowaad ilaa PDF-ka ugu dambeeya.
Qaybta 1: Samee CV-gaaga
- 1
Fur bogga somcv.net
Ka fur browser-kaaga (Chrome, Safari, iwm) kadibna gali somcv.net. Riix badhanka 'Bilow bilaash' ama 'Galo'.
- 2
Abuur akoon ama galo
Waxaad ku sii wadi kartaa Google (hal riix) ama email iyo furaha sirta ah (password). Haddii aad cusub tahay, qor email-kaaga iyo password, kadibna riix 'Isdiiwaangeli'.
Talo: Ku xirnow adigoo galay kahor inta aadan CV bilaabin si xogtaadu aanu u lumiyin.
- 3
Riix 'CV cusub' oo dooro habka
Dashboard-kaaga ka dooro laba hab: 'Bilow CV cusub' (jawaab su'aalaha) ama 'Soo geli CV jira' (soo geli fayl PDF/Doc ah, SOMCV wuu akhriyaa oo buuxiyaa su'aalaha).
- 4
Jawaab su'aalaha (Soomaali ama Ingiriis)
Su'aalaha waxaad ku jawaabi kartaa af Soomaali AMA Ingiriis — labadaba waa sax. Buuxi: xogtaada shakhsiga ah, xirfadaha, khibradda shaqada, waxbarashada, luqadaha iyo qaybaha kale. Xogtaadu isla markiiba way kaydsantahay.
Talo: Taariikhda shaqo kasta: calaamadee 'Currently Here' haddii aad wali halkaas ka shaqayso.
- 5
CV-gu isbuuxiyaa (auto-generate)
Marka aad buuxiso su'aalaha, SOMCV si toos ah ayuu ugu sameeyaa CV Ingiriis ah oo xirfad leh. Bogga preview-ka waxaad ka arki kartaa natiijada.
- 6
Dooro qaab (template) iyo midab
Ka dooro qaabka ku habboon: ATS Classic, Sand Modern, Navy Bold iwm. Waxaad kaloo dooran kartaa midabka qurxinta (accent). Dhammaan qaabkyadu waa ATS diyaar.
- 7
Wax ka beddel ama dib u habee
Riix qayb kasta si aad u beddesho qoraalka — isbeddel kasta isla markiiba wuu muuqdaa. Waxaad kaloo dib u habayn kartaa ama dib u soo saari kartaa (regenerate) haddii aad rabto nooc kale.
- 8
Soo dejiso PDF-ka
Riix 'Download PDF'. Nusxa bilaash ah waxay leedahay watermark — si aad u hesho PDF nadiif ah oo aan watermark lahayn, dooro qorshe (hal CV, bilili ama sannadle) oo bixi EVC Plus, ZAAD, SAHAL, eDahab ama kaar.
Talo: Lacag-bixintu waa dhiigane, lacagtaada waa dib laga celin karaa 14 maalmood gudahood.
Qaybta 2: Samee Warqad Codsi (Cover Letter)
Warqadda codsi waxay la socotaa CV-gaaga — waxay u sharxaysaa sababta aad shaqada u habboon tahay.
- 1
Ka fur warqad cusub
Dashboard-kaaga riix 'Warqad cusub (Cover letter)' si aad u bilowdo warqad codsi.
- 2
Buuxi xogtaada shakhsiga ah
Qor magacaaga oo dhan, email, telefoon, iyo magaalada aad joogto — waxay u muuqan doonaan madaxa warqadda.
- 3
Ku qor xogta shaqada
Qor magaca shirkadda, magaca shaqada aad codsanayso, iyo magaca maamulaha (haddii aad taqaan). Ku dheji xayeysiiska shaqada si warqaddu si gaar ah ugu habboonaato.
- 4
Sheeg sheekadaada
Ku jawaab laba su'aalood (Soomaali ama Ingiriis): maxaad shaqadan u rabtaa? iyo guulahaaga ugu waaweyn. Xusuusin: qoraalkaaga ayaa lagu turjumayaa Ingiriis xirfad leh.
Talo: Dooro codka (tone): Professional, Enthusiastic ama Formal — kuna habboon shirkadda.
- 5
Riix 'Generate'
AI-gu wuxuu kuu qorayaa warqad codsi oo Ingiriis ah, gaar u ah shaqadaas. Waxaad dib u soo saari kartaa (regenerate) marar badan ilaa aad ku qanacdo.
- 6
Dooro qaab iyo midab, kadib daabac/soo dejiso
Isla qaabkyada CV-ga ayaa loo isticmaalaa — warqadda iyo CV-gu waa isku midab. Riix 'Print / PDF' si aad u soo dejiso (waxay u baahan tahay qorshe ama credit).
Diyaar ma tahay?
Bilow hadda — CV-gaaga koowaad waa bilaash.